sawirro: Wasiir Fiqi oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho kadib markii….

06 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed yaa sidiiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho kadib markii uu ka soo laabtay shirkii Qaramada midoobey.

Munaasabadda soo dhaweyta wasiirka ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah Mudanayaasha Labada Aqal ee Baaralamaanka J.F.S, madaxda wasaaradda, Danjireyaal iyo Odayaal dhaqameedka magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta ayey qoraal ay qortay wasaaradiisu ku sheegtay inay daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada midoobey si cad uga sheegay inay Somaliland oo uu ku sheegay maamul hoos yimaada ay dawladiisa ka qabanayso doorasho xor ah oo xalaal ah.

About The Author