RW, ku-xigeenkiisa & Madaxweynayaasha KG iyo Galmudug oo ka shiraya dhaqangelinta doorashada MD Xasan

06 Okt 2024 (Puntlandes.com)  Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo ku-xigeenkiisa Saalax ayaa la shirey Madaxweynayaasha Koonfurgalbeed iyo Galmudug, iyadaoo Jubaland ay diiday soojeedinta madaxweyne xasan Sheekh ee doorasho toos ah oo sannadka danbe ah.

Jubaland ayaa ku adkaysatay doorasho ay gaarkeeda u qabsato inta ay Puntland & Khaatumo ka maqan yihiina aan la gaari karin doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Hirshabeelle ayaa iyadu ku mashquulsan xuska sanadguuradii 8aad ee kasoo wareegtay aasaaskeeda, waxaa se la filayaa in ilaa caawa la soo afmeero shirka Madasha, iyadoo aysan muuqan wax horusocod ah oo lagu midaysan yahay.

About The Author