Muuqaal: Odoyaal Beesha Kuumade ”MD Axmed Madoobe Daarood doon doon kuma aanan ogayn, Wadkiilna nooguma aadan ahayn, waxaa Doorood Wakiil ka ah MD DFS”

06 Okt 2024 (Puntlandes.com) Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo waxgaradka beesha Kuumade ee ay kasoo jeedaan Ra´iisul Wasaaraha DFS Xamse iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), iyagoo ku eedeeyey inuusaan wakiil uga ahayn qodobada uu la tagey shirka Golaha wadatashiga ee Muqdisho ka socday.

Odoyaashaan oo taageersan madaxweyne xasan Sheekh ayaa sheegay inaysan Beeshu u waliikalan Axmed Madoobe inuu u doodo ama difaaco Beesha Daarood ee ay u wakiisheen waa siday hadalka u dhigeene madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo ka soo jeeda Beesha Hawiye.

Odoyaal Beesha Kuumade ayaa yiri ”Madaxweyne Axmed madoobe Daarood doon doon kuma aanan ogayn, Wadkiilna nooguma aadan ahayn, waxaa Doorood Wakiil ka ah oonu ku ognahay madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya”

About The Author