Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismayo

07 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismayo, kaddib markii uu guuldareystay dadaaladii la doonayay in lagu qanciyo si uu uga laabto qodobadii uu hordhigay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisjho ka furay arbacadii 2da Okt. 2024 ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, lamana soo saarin wax heshiis ah oo la gaaray, iyadoo ay horay u maqneyd Puntland ayay hadda ku biirtay Jubaland.

About The Author