Muuqaal: RW Xamse Shirkii Madasha Golaha Wadatashiga Qaran wuu socdaa waxaana laga soo saari doonaa warmurtiyeed

07 Okt 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo muuqaal yar oo kooban kula hadlay shacabka Soamaaliyeed ayaa sheegay in shirkii Madasha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmay 2dii okt 2024 uu wali socdo lagana soo saari doono warmurtiyeed.

Xamse ayaan soo hadalqaadin ka bixistii uu shirka ka baxay madaxweynaha Jubaland oo maanta gelinkii hore ku laabtay magaalada Kismayo kadib markii uu sheegay inuu qabsanayo doorashada maamulkiisa.

About The Author