Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo 18kii gobol ay 11 ka maqan yihiin kulan ku gudoomiyay Galmudug, KG & Hirshabelle

08 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen maamulada Galmudug, KG & Hirshabelle iyo gobpolka Banaadir, kaas oo ay madaxtooyadu ku sheegtay kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii socda.

Somaliland oo ku fadhida dhul ballaaran 1991kii ayey baxday walina si daacadnimo ah la iskuma dayey soo celinteeda, Puntland oo iyana dhul ballaaran ah waxay baxday december 2022kii markaas oo Xasan Sheekh xilka hayey 6 bilood, shalayna waxaa baxay Jubaland oo iyana 3 gobol oo Soomaaliya ah ku fadhida, SSC-Khaatumo iyana waxay ku jirtaa maamulada uu Xasan leeyahay looma joojinayo.

18kii gobol ee Soomaaliya ka koobnayd waxaa Xasan Sheekh ka maqan 11 gobol, iyadoo 7da u hartay ay Alshabaab la qaybsanayso oo uusan ka wadatalin. Gobolada uu joogana waxaa ku waardiyeeya Ciidamo Ajaaniib ah oo isagu ma lahan awood uu amnigiisa iyo kan shacabka uu maamulo ku ilaaliyo.

Sidaas oo ay tahay wuxuu leeyahay Xasan “cidna uma joojinayo Soomaaliyana waa aniga…..”

About The Author