DHALANTEEDKA MADAXWEYNE HURDAAYE

08 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan dalka wuxuu ka xukumaa inta Villa Somalia ay ku fadhido, wadooyinka soo galana waxaa ku go`an Shubab waawayn oo shamiito ah, isla mar ahaantaasna waxaa waardiyeeya Ciidamo tiro badan.

Madxaweynaha amnigiisa iyo kan guud ee maamulkiisa waxaa gaar ka ah ciidamada ATMIS ee AU, la`aantoodna uusan talaabo qaadi karin, awoodna u lahayn inuu si xor ah ku booqdo degmooyinka shacabka Soomaaliyeed degen yihiin ee ku hareeraysan Madaxtooyadda oo ay Wardhiigley ka mid tahay.

Riyo maalmeedka madaxweynaha oo uu inta badan ku hadaaqo asagoo Masaajid ka khudbaynaya waxaa ka mid ah, inuu dalka oo dhan ka qabanayo doorasho qof iyo cod ah, uusan cidna u joojin doonin, kuna jaangooyey rabitaankiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo gobalka Banaadir, kaas oo ay madaxtooyadu ku sheegtay kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii socda, iyadoo madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam uu shalay ka huleelay Muqdisho.

Somaliland oo ahayd hooyadii midowga labadii gobol oo Isticmaarka ka xoroobay 1960kii kadibna 1991kii goonideed isu taagtay tabashooyin badan awgood iyo Puntland oo ahayd hooyadii Federaalka oo iyaduna kalsoonida kala noqotay maamulka Xasan Sheekh kadib markuu Dastuurkii dalka isku hayey kana dhaxeeyey uu siduu isagu rabay ugu fakaaday ugu dambayna inkiray indhana ka qarsaday rabitaankii shacabwaynaha SSC-Khaatumo ee doonayey inay noqdaan dawlad goboleed hoos timaada Federaalka.

sida la wada ogyahayna waxaa shalay Muqdisho ka huleelay Sayid Axmed Maxamed Islaam taas oo soo afjartay riyo maalmeedkii iyo rajadii dhalanteedka ahaa ee Xasan Sheekh.

18kii gobol ee Soomaaliya ka koobnayd waxaa Xasan Sheekh ka maqan 11 gobol, iyadoo 7da u hartay ay Alshabaab la qaybsanayso oo uusan ka wada talin. Gobolada uu joogana waxaa ku waardiyeeya Ciidamo Ajaaniib ah oo isagu ma lahan awood uu amnigiisa iyo kan shacabka uu maamulo ku ilaaliyo.

Hadaba waxaa is waydiin leh xaggee buu madaxweynuhu ka qaban karaa doorashada uu isagu doonayo inuu isagu mar sadexaad isku cimaamado isagoo fulinaya talooyinkii saaxiibadiis Ismaaciil Cumar Geelle iyo Afewerki?

Waxaa kale oo shacbiga Soomaaliyeed la yaab ku noqotay culimo ku sheegii, Shahaadosuurka u qaabilsan Xasan iminka ugu fadwooday inuu xalaad deg dega geliyo dalka keensadana 40 kun oo ciidamo ajanabi ah si uu ugu caburiyo shacabka soomaaliyeed Saylac ilaa Raaskaambooni.

Degmooyinka iyo gobolada yar ee Xasan usoo haray waxaa ku loolama gacan ku hayntooda Alshabaab iyo cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga, marka akhristoiw waxaa iswaydiin mudan Xasan xaggee buu ku qabanayaa doorashada uu ku hadaaqayo ee qof iyo cod?

Ooraah Soomaaliyeed kuna banaan riyo maalmeedka madaxweynaha iyo Shahaadosuurka culimo ku sheeg ayaa waxay oranaysaa ”AF WAA KANE MAAY LAKA AAMEE

Puntlandes.com

About The Author