Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya oo Aqal xil ka qaadis ku sameeyey

08 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa waxay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalkaasi ku sameeyeen xil ka qaadis, iyadoo uu u dhimayahay Aqalka Senate-ka.

Waxaa mooshinkii ka dhanka ahaa Rigathi Gachagua codkooda ku taageeray 281 xildhibaan, halka 44 kale oo Xildhibaana ay ka soo horjeesteen xilka qaadistiisa.

Aqalka Senate-ka ayaa marka loo soo gudbiyo waxay tahay muddo 7 cisho ah inay ku bilaabaan doodda uu isku difaacayo madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya Rigathi Gachagua, kadibna ay cod geliyaan.

Dhawaanahaan waxaa khilaaf xoogan kala dhexeeyey Madaxweyne ku xigeenka madaxweyanaha dalkaasi William ruto oo dadaal xoogan ku bixinaya inuu ku xigeenkiisi ka takhaluso.

Puntlandes.com

About The Author