Sawirro: Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis amni kala saxiixday

19 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho ku tagay dalka Uganda ayaa kulan uu la qaatay dhiggiisa Yoweri Museveni waxay uga wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay:

1. Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

2. Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.

3. Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

5. Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

About The Author