Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Wasaaradda Kusoo dhaweeyey hay´addo u socday xiritaanka MASHRUUCA DRSLP II

20 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa Wasaaradda Kusoo dhaweeyey Madax ka socota African Development Bank Dr.Maxamud H. EGEH Principal Agriculture Officer iyo Dr. Abdi Dahir oo ah Project Director DRSLP II. oo u socday xiritaanka MASHRUUCA DRSLP II.

Kulanka Madaxda ka socotay bangiga horumarinta Afrika oo ay qayb ka ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dr. Axmed Cartan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Xasan Maxamed Ciise ayaa Kormeeray dhismaha Shaybaarka Garowe oo mashruucu dhisay sidoo kale uu u dhamaystiray dhammaan qalabkiisa. Waxay warbixin ka dhagaysteen shaqaalaha shaybaarka oo ka warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ka socda iyo xanuunanada ay baadhaan.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey African development Bank sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyaan Wasaaradda iyo saamaynta wanaagsan ee ka dhalatay dhammaan mashaariicda ay la fuliyeen Wasaaradda.

About The Author