Sawirro-muuqaal: Wasiirkii hore ee Maaliyadda DFS Bayle oo ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI

20 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirkii hore ee Maaliyadda DFS ahaana Xildhibaan hore Cabdirahmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo musharax Cirro u sharaxan yahay madaxweynaha Somaliland dootrashada la filayo inay dhacdo 13ka nov 2024.

Bayle waxaa kula biiray Xisbiga aqoonyahan uu hogaaminaayo oo ka soo jeeda Gobalka Awdal, isagoo Bayle sheegay in saami qeybsiga reer Awdal ka cabanayaan ay xisbiga WADDANI uu ka gudoomay inuu wax ka qabto .

Sidoo kale Waxaa uu cadeeyey Dr Bayle in Cabdiraxmaan Cirro yahay shaqsiga maanta Somaliland bad baadin kara, marxaladan ay ku jirtana ka saari kara.

Bayle oo horey u sheegi jiray inuu aaminsan yahay Soomaaliwayn iyo Soomaali mid ayaa iminka u xuubsiibtay gooni goosad.

About The Author