Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo ka qayb galay shirka Xiritaanka Mashruuca u Adkaysiga Abaaraha (DRSLP II.)

21 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa ka qayb galay shirka Xiritaanka Mashruuca u Adkaysiga Abaaraha (DRSLP II.)

Kulanlka oo uu shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Mudane Daud Maxamed Cumar ayaa waxaa ka soo wayb galay Wasaaraddaha wadashaqaynta la leh Mashruuca DRSLP II , Hay’adda Save the Children International iyo bangiga horumarinta Afrik, shirkan oo lagu gorfaynayey guulihii mashruuca u adkaysiga abaaraha iyo soo bandhigista tiirarka hortabinta u leh horumarinta Dowladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa uga mahadceliyey Bangiga Horumarinta Afrika wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ay ka hirgeliyeen Gobolada Puntland.

About The Author