Muuqaal: RW Xamse oo magacaabay wasiiro cusub oo uu ku jiro RW kuxigeen 2aad

21 Okt 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa  magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada DFS.

Raysal wasaare ku-xigeen labaad ayaa loo magacaabay Wasiirkii Howlaha-guud Cabdisalaan Cabdi Cali kaas oo ka soo jeeda KG, halka Wasiirka Howlaha-guud na laga dhigey Cilmi Maxamuud Nuur oo hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda DFS.

About The Author