Sawirro: Wasiirka Qorshayta oo kulan la qaatay madaxda hay’adda IOM ee Soomaaliya

28 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faraax ayaa maanta kulan la qaatay madaxda sare eebhay’adda IOM-Somalia.

Kulanka waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee dawladda Puntland iyo hay’adda IOM, iyadoona Wasiirku farey madaxda hay’adda in la sameeyo xafiisyo shaqaynaya oo ay IOM ku yeelato Puntland si helo waax u xil-saaran arrimaha Puntland.

Shirka waxaa ka qaybgalay madaxda Wasaaradaha dawladda ee wadashaqaynta laleh hay’adda, IOM.

About The Author