Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Wasaaradaha & Hay’adaha Dowladda ee Baha-wadaagta shaqo ku ah Mashruuca Barwaaqo

28 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Baha-wadaagta shaqo ku ah Mashruuca Barwaaqo.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii hirgelinta Mashruuca Barwaaqo loogu saleyn lahaa baahiyaha ka jira deegaanadda laga fulinayo si waafaqsan siyaasadda Dowladda Puntland ee ku aadan Mashaariicda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Qorsheynta , Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Wakaaladda Biyaha iyo Madaxtooyada Dowladda Puntland.

About The Author