MUUQAALO-Sawirro: Hadaljeedinadii kulan Baarlamaanka Puntland & xubnaha labada Aqal BJFS kumetala Puntland

28 Okt 2024 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Maxamed Maxamuud Ciise iyo xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku metala Puntland.

Kulanka ayaa daba socda kulan hore oo ay labada dhinac ku yeesheen maanta Xarunta Aqalka Wakiillada, kaas oo looga hadlay arrimaha federaalka iyo siyaasadda dalka.

Qodobada muhiimka ah ee Kulanka:

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirisaaq oo hadal ka jeediyay ayaa caddeeyay in Puntland ay si buuxda u aqoonsan tahay Dastuurka Federaalka ee 2012, wuxiuuna yiri:

“Dastuurka 2012 waa aasaaska nidaamka federaalka ee dalka, waana muhiim in la ilaaliyo qodobada iyo mabda’aas si loo xaqiijiyo Dawladnimo isku dheellitiran oo ku saleysan wadajir iyo cadaalad.”

Sidoo kale, wuxuu xusay in Puntland ay u taagan tahay taageeridda nidaamka federalka, marna aysan aqoonsanayn wax walba oo ka hor imanaya qaab dhismeedkaas.

Doodaha Kulanka oo diiradda lagu saaray qodobbada soo socda:

● Arrimaha Siyaasadda Guud ee Soomaaliya: Ka doodista xaaladda siyaasadeed ee dalka.

● Qeybsiga Khayraadka Dabiiciga ah: Hagaajinta habka loo qeybsado khayraadka dabiiciga ah.

●Nidaamka Doorashooyinka: Iskaashiga iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka.

● Amniga iyo Iskaashiga Ciidamada: Xoojinta amniga dalka.

● Awood Qeybsiga Siyaasadeed: Maamulidda awooda siyaasadeed.

● Arrimaha Dastuurka: Falanqeynta wax ka bedelka dastuurka.

● Arrimaha Bulshada: Mashaariicda waxbarasho iyo horumarinta bulshada.

Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay sii wadaan wadahadallada si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabad, horumar, iyo Dawladnimo ku dhisan dastuurka federaalka.

Hoos ka daawo hadaljeedintii Gudoomiyaha:

Halkana ka daawo hadaljeedintii Xildhibaan C/lahi Faarax Mire:

Halkana ka daawo Senator Farxaan Cali Xuseen oo dhaliilay sida ay wax u wadaan madaxda DFS:

About The Author