Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Xildhibaanada labada Aqal ee BFS ku matala Puntland

28 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Xildhibaanada labada aqal ee Federaalka ku matala Puntland.

Wasiirka ayaa qaybo kamid ah wasaaradda kormeer ku soo mariyay kadibna waxay wadan qaateen kulan is xog waraysi ah, wasaraadda ayaa la wadaagtay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan shaqada wasaaraddu bulshada uhayso, caqabadaha jira, waxay sidoo kale u gudbiyeen waxyaabaha dawladda dhexe ku xiran oo Puntland ay tabayso kuwaasoo iskugu jira siyaasadaha caafimaadka, aqoonta heerka caalami ah iyo inaan si cadaalad ah loo qaybsan waxyaabaha magaca soomaalida lagu bixiyo.

Wasiirka Siciid Jamac ayaa xildhibanada laba aqal uga mahadceliyay kormeerkooda iyo sida ay uga go’antahay inay ogaadaan waxyaabaha Puntland kaga maqan federaalka oo ay Puntland ku matalaan iyo sidii ay wax uqaban lahaayeen, iskugu xirnaan lahaayeen guddiga arimaha Bulshada barlamaanka iyo midka xukuumada oo isagu uu madaxda ka yahay, ugu danbeyn wasiirka ayaa Xildhibaanada kula dardaarmay inay isku duubnaadaan kana shaqeeyaan danaha shacabka ay matalaan.

Xildhibaanada oo dhankooda soo dhaweeyay warbixinta Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay inay madaxda Federaalka kula xisaabtamayaan sababaha loo siyaasadeeyay mashaariicda horumarinta bulshada oo ah kuwa dad badan oo danyar ah ay ka faa’iideysan lahaayeen.

Xildhibaanada waxaa booqashada ku weheliyay qaar kamida mudenayaasha Baarlamaanka Dawladda Puntland, oo fududeynaya kormeerka ay ku marayaan xarumaha hay’addaha dawladda.

Wasiirkana waxaa kala qaybgalay agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig, agaasimayaasha qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed, shaqada iyo shaqaalaha Adna Farax Abdulaahi iyo qaar kamid madax qaybeedada wasaaradda.

About The Author