Wasiirka Arrimaha Dibadda & Taliyaha Booliska: waxay xaqiijiyeen siday uga go’an tahay in ladhiso Soomaali midaysan, iyaga oo dhiirrigelinaya wadajir iyo horumar dalka

30 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Moallim Fiqi iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi (Diano) oo Kulan ku Qaatay Xarunta Wasaaradda ayaa waxay xaqiijiyeen siday uga go’an tahay in ladhiso Soomaali midaysan oo xasilloon, iyaga oo dhiirrigelinaya wadajir iyo horumar dalka oo dhan ah.

Labada masuul ayaa kulanka waxay kaga wada hadleen istaraatijiyad lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan amniga qaranka, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo ilaalinta badbaadada muwaadiniinta.

Kulankani wuxuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada lagu taageerayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee doorka muhiimka ah ka qaata amniga qaranka. Labada hoggaamiye ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in la dhiso Soomaali midaysan oo xasilloon, iyaga oo dhiirrigelinaya wadajir iyo horumar dalka oo dhan ah.

About The Author