Somalia oo La-taliye II ee Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya kusoo rogtay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata)
29 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya war-saxaafadeed ay soo saartay waxay La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya Cali Maxamed Aadan ku dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan.