Xisbiga Himilo Qaran “MD Xasan Sheikh ayaa qaadi doono masuuliyadda wixii dhibaato ah ee kadhasha xad-gudubka lagu sameynayo Dastuurka dalka & kan dowlad goboleedyadda”
30 Okt 2024 (Puntlandes.com) Xisbiga Himilo Qaran ayaa si xoogan uga horjeestay muddo kordhinta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qasbay sadexdii dawlad goboleed ee kala qayb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Xisbiga Himilo Qaranayaan qoraal ku yiri “Xisbiga Himilo Qaran waxaa uu ummadda Soomaaliyeed u caddaynayaa in MadaxweyneXasan Sheikh Maxamuud qaadi doono masuuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha xad-gudubka lagu sameynayo Dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedyadda. Xisbigu wuxuu xasuusinayaa Madaxweynaha inuusan sidii uu doono ka yeeli karin taladda dalka, wixii uu shalay diidanaana aan maanta isaga laga aqbali doonin.”