MD Xasan Sheekh oo ka codsaday Baarlamaanka in bil dib u dhigaan fasaxooda si loo ansixiyo…

02 Nov 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay Baarlamaanka labadiisa Aqal ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu uga hadlay xaalada dalka iyo tan Gobolka, isagoo ku eedeeyay Itoobiya inay weerar ku tahay madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wuxuu ka codsaday Baarlamaanka in bil dib u dhigaan fasaxooda si loo ansixiyo sharciyada lagama maarmaanka u ah doorashooyinka qof iyo cod.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay sooyaan fursada doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho”

Puntlandes.com

About The Author