Aadan Madoobe oo shaaciyey iyadoo xildhibaannadu buuq & sawaxan wadaa in 181 xildhibaan ay u codeysey fasax bil ah oo lagu meelmariyo doorasho qof iyo cof ah
02 Nov 2024 (Puntlandes.com) Markii uu madaxweyne Xasan Sheekh codsiga u gudbiyey Baarlamaanka ayaa Xildhibaannada Baarlamanka ee ka horjeeda qorshahaas waxay bilaabeen buuq iyo sawaxan ka dhan ah muddada bisha ah ee uu codsaday Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Doorashada qof & codka ah ee ay dooneyso Villa Somalia.
Intaas ka dib gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa shaaciyey iyadoo xildhibaannadu buuq iyo sawaxan wadaa in 181 xildhibaan ay u codeysey fasax bil ah oo lagu meelmariyo doorasho qof iyo cof ah, taasi oo uu dalbaday Madaxweyne Xasan Shiikh.
Khudbad uu Madaxweynaha uu u jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga codsaday in muddo bil ah dib u dhigaan fasaxooda si loo helo sharciyada lagama maarmaanka u ah in dalka looga hirgeliyo shuruucdii doorashooyinka.
Puntlandes.com