Wasiir kuxigeenkii Waxbarashada DFS oo is casilay, ka soo jeeday Jubaland
03 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Ahmed Cismaan Ibraahim Daqare ayaa xilkii iska casilay.
Wasiirka oo ka soo jeeda Jubaland ayaa isku casilay sabab la xariirta in DFS qorsheysay duulaan ka dhan ah dawlad gobaleedka uu kasoo jeedo ee Jubland.
Wasiir Kuxigeenkii Waxbarashada ahna xildhibaan ayaa waxuu sheegay in la iska indhotiray maqnaanshaha siyaasada ee Puntland, Jubaland iyo SSC-Khaatumo. Xildhibaan Daqare oo laga soo doorto Gobolka Gedo ee Jubaland ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee isla maanta shaqada katagay.
Galinkii hore, wasiiru dowlihii Wasaaradda Qorsheynta DFS oo isna ka soo jeeda Jubland ayaa is casilay sabab la xariirta in Dawlad gobaleedkiisa Jubbaland ay madasha kabaxday, dagaal siyaasadeedna lagu qaadayo.