ATMIS oo war ka soo saaray weerarkii Xerada Xalane
03 Nov 2024 (Puntlandes.com) Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hoobiyayaal loo adeegsaday oo lagu qaaday xerada beesha caalamka ee Xalane, sida ay shaacisay ATMIS.
Xafiiska ATMIS ayaa ka tacsiyadeeyay geerida iyo dhaawaca ka dhashay weerarkii saakay lagu qaaday xerada Xalane oo kutaala xeendaabka garoonka diyaaradaha aden cade ee Muqdisho,
Sidoo kale ATMIS ayaa weerarkan ku tilmaantay inuu ahaa weerar argagixiso iyaga lagu beegsaday,
Dhanka kale dowlada soomaaliya ayaa wali ka hadal weerarkan iyo qasaaraha ka dhashay toona.