Muuqaal-Sawirro: Wasiirka Qorshaynta oo daahfurey shirka madasha Mashaariicda adkeysiga Puntland

04 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Dauud Maxamuud Maxamed Cumar oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa daahfurey shirka madasha Adkeysiga (Resilience Projects) oo muddo labo cisho ah ka socon-doona magaalada Garoowe.

Madasha oo lagu gorfeyn-doono mashaariicda adkeysiga xaaladaha adag ee Puntland, waxaa ka qaybgalay madaxda hay’addaha dawladda iyo kuwa samafalka ee ka hawlgala Puntland, iyadoona inta uu socda diiradda lagu saari-doono.

Qiimeynta heerka mashaariicda adkeysiga (resilience projects) ee haddda socda, guulaha la gaaray, caqbadaha iyo soo jeedinta qorshaha wax ka qabashadooda.

Sidoo kale waxaa la falaan-qayndoonaa xoojinta isuduwidda iyo wadashaqeynta ka dhexeeysa daneeyayaasha xagga bixinta barnaamijyada adkeysiga si kor loogu qaado waxtarka iyo hufnaanta, waxaana door wayn qaaadanaya dadaallada mashaariicda adkeysiga ee Puntland.

Waxaa lasoo saari-doonaa warbixin iyo madal mhameystiran oo qeexaysa goldaloolooyinka adkeysiga, iyo xoojinta iskaashiga mashaariicda lagu horumarinayo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Halku-dhigga sanadkaan ee shirka oo loo dooray “Xilliga adag waxaa lagu dhaafaa dhug iyo dhabar-adayg” gabagabada ayaa laga soo saari-doonaa warbixin guud iyo jiheyn-doonto mashaariicda adkeysiga Puntland.

About The Author