Xamse oo u magacaabay Xil Cabdirashiid Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare

04 Nov 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Ducaale ayaa ka soo jeeda Jubaland, iyadoo uu isla shaly iska casilay xilkaas Xildhibaan Ahmed Cismaan Ibraahim Daqare oo isku casilay khilaafka Jubaland iyo madaxda DFS.

Waxaa kaloo shalay isna is casilay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Qorsheynta DFS Cabdirashiid Jire Qalinle oo isna kasoo jeeda Jubaland.

About The Author