Xamse oo u magacaabay Xil Axmednuur xilka Wasiiru Dowlaha Qorsheynta
04 Nov 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay Xildhibaan Axmednuur Sheekh Maxamed Laxos ayaa loo magacaabay xilka Wasiiru Dowlaha Qorsheynta.
Xildhibaan Axmednuur Sheekh Maxamed Laxos ayaa ka soo jeeda Jubaland, iyadoo uu shalay iska casilay xilkaas Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle oo isna kasoo jeeda Jubaland oo isku casilay khilaafka Jubaland iyo madaxda DFS.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa buuxiyay boosaskii ay shaly wasiiradu iska casileen, isagoo fulinaya amarka madaxweynihiisa.
Waxaa meeshii ugu saraysay gaaray khilaafka Xasan Sheekh iyo Ax,med Madoobe, kaas iminka u xuubsiibanaya gacan ka hadal uu qaado Xasan Sheekh.