Sawirro: MD Axmed Madoobe Kimayo ku qaabilay ergo ka socoday Dowladda Kenya oo MD Xasan Sheekh soo diray
04 Nov 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Kismayo ku qaabilay ergo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu soo diray inay dhexdhexaadiyaan isaga iyo Jubaland.
Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.
Ergadaan Kenyatiga ah ayaa ka soo jeeda beesha Axmed Madoobe iyo Ra´iisul wasaaraha Xasan Sheekh Xamse Cabdi Barre.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh goaansaday inuu duulaan ku qaado Axmed Madoobe wuxuuna ku jiraa diyaargarawgii u dambeeyey waana sababta ay shalay wasiiradu isku casileen, iyadoo hadana Xasan Sheekh ergada u soo diraya Axmed Madoobe.
Dhanka kale madaxweyne Xassan Sheekh ayaa madaxda Imaaraatka Carabta kala hadlay oo kaga cawday taageerada ay Puntland iyo Jubaland ay siiyaan Imaaraatka, wuxuuna sheegay in 2-duba mucaarad ku yihiin dawladiisa, isagoo ka codsaday inay ka joojiyaan taageerad.