Somaliland ayaa shaacisay Ciidamada kala duwan ee sugaya amniga doorashada

05 Nov 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqday xarunta Ciidanka ayaa kulan kula qaatay taliyeyaasha ciidamada, iyagoo soo bandhigay Ciidamada kala duwan ee sugaya amniga doorashada madaxweynaha oo la qorsheeyey inay dhacdo 13ka november oo ku beegan Arbacada todobaadka dambe.

Goobaha Codbixinta ama Seejooyinka Doorashooyinka Somaliland ayaa ah guud ahaan 1705 Goobood, waxayna kala yihiin Ciidanka ilaalinaya gobol walba:

Ciidanka Militariga oo gaaraya 2629 Askeri ayaa waxay u kala ilaalinayaan gobolada:

1. Gobolka Awdal: 463 Askari

2. Gobolka⁠Maroodi Jeex /Hargaysa: 1,073 Askari

3. Gobolka Saaxil: 245 Askari

4. GobolkaTogdheer: 573 Askari

5. Gobolka Sool: 68 Askari (Degmada Caynaba)

6. Gobolka Sanaag: 207 Askari (Degmada Ceel Afwayn iyo qayb ka mid ah dehmada Ceerigaabo)

Ciidanka Booliska oo gaaraya 2575 Askeri ayaa waxay u kala ilaalinayaan gobolada:

1. Awdal : 379 Askari

2. ⁠MJeex : 1,097 Askari

3. ⁠Saaxil : 183 Askari

4. ⁠Togdheer : 467 Askari

5. ⁠Sool : 101 Askari

6. ⁠Sanaag : 345 Askari

Wadarta Guud Police :

Gobolada Saaxil, Togdheer, Awdal waxaa badan ciidanka Militariga, halka Maroodijeex farqi badan aanay is dheerayn. Gobolka Sool, Caynaba waxaa badan Ciidanka Booliska.

About The Author