Sawirro: Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa gaaray Kismayo
07 Nov 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa maanta gaaray magaalada Kismayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland.
Xildhibaanadan ayaa Kismayo kaga qeyb galaya kulan wadatashi ah oo uu horraan isugu yeeray Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
Wasiirro ka tirsan Jubaland oo uu ka mid yahay wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi, saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaana kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle ee Kismayo.