DFS oo xaqiijisey in Ciidanka Masar ka mid noqonayaan, Itoobiya laga reebtey Ciidamada Nabad-ilaalinta ee Afrika ee kahawlgalaya Soomaalia
09 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidamada Itoobiya aan laga qaybgelin doonin howlgalka cusub ee Midowga Afrika ay Soomaaliya ka bilaabi doonaan bilowga sanadka 2025ka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in go’aankan la qaatay si loo hubiyo in howlgalkan uu noqdo mid dhexdhexaad ah oo lagu taageerayo nabadeynta iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale wasiirka Arimaha Dibadda Sooaamliya ayaa isna xaqiijiyey in Ciidamada dalka Masar ay qayb ka noqon doonaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ay Soomaaliya ka bilaabi doonaan bilowga sanadka 2025ka.
Waxaa la filayaa in ciidamada cusub ee Midowga Afrika ay ka shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida, iyaga oo la shaqeyn doona ciidamada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in amniga guud ee Soomaaliya uu hagaago.