DFS oo cambaaraysay magacaabidda guddiga doorashada Jubaland eedaysayna…..
10 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka cambaaraysay magacaabidda guddiga doorashada Jubaland, iyadoo ku sheegtay inuu baalmarsan yahay go´aamadii Golaha Wadatashiga Qaran.
Sidoo kale DFS ayaa eedaysayna aad u culus u jeedisay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo ku sheegtay in muddo xileedkiisuba uu ku ekaa Agoosto 2023 uusana haysan sharciyad uu wax ku maamulo.
DFS ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay in Axmed Madoobe uu wax ku maamulayey heshiis muddo kordhin oo ay DFS u samaysay maamul goboleedyadda.