Xisbiga Himilo Qaran oo bogaadiyey tallaabada Dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowladda Jubaland….
10 Nov 2024 (Puntlandes.com) Xisbiga Himilo Qaran ayaa bogaadiyey tallaabada Dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.
Xisbiga ayaa warsaxaafadeedka ku yiri “Xisbigu wuxuu caddaynayaa in Madaxda Dowladda Federaalku ka danbeysay in ay dowlad goboleedyadu dhaafaan wakhtigii doorashadooda ee dastuuriga ahayd. Xisbigu wuxuu u arkaa ciddii sharciyadda usoo noqota oo doorasho qabata, inay u hiilisay nidaamka dowladnimadda (in khaladka lagu adkaysto waxaa ka wanaagsan in lagasoo noqdo).
Xisbigu wuxuu si adag uga digayaa in Dowladda Federaalku abaabusho kacdoonno hubaysan oo
lagu khalkhal gelinayo xasilloonida iyo nidaamka ka jira Dowlad Goboleedka Jubaland.”