Dawladda Jubaland oo joojisay la shaqeyntii DFS

10 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Jubaland ayaa joojisay la shaqeyntii Dawladda Federaalka Soomaaliya, talaabadaan ayaa waxay ka dhigan tahay in Madaxda DFS aysan u socdaali karin Jubaland, iyadoo RW Xamse uu Isniinta qorsheynayo in uu aado Kismayo.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo go´aansaday inuu la dagaalamo Jubaland ayaa qorshaynayey oo abaabulkooda ku jiray in Kismayo loo diro Ciidamo iyo Ra´iisul wasaarihiisa si loola dagaalamo Axmed Madoobe.

About The Author