Muuqaal-Sawirro: Firdhiye oo taageeray wax ka bedelka cutubyada 5aad-9aad ee dastuurka ee maamulka Xasan Sheekh wado

10 Nov 2024 (Puntlandes.com) Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo hadal ka jeediyey daah-furay shir maamulka Xasan Sheekh ku sheegay la tashiga Hay’adaha Maamulka Ssc-khaatumo ee Laascaanood ayaa taageero xoogan u muujiyey waxkabedelka cutubyada 5aad-9aad ee dastuurka ee uu wado Xasan Sheekh.

Shirkan ayaa wafifa DFS ee Laascaanood u yimid waxaa hogaaminayey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Axmed Cabdiraxmaan Xuseen, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga Dastuurka ee Golaha Baarlamaanka iyo guddida madaxa-bannaan ee dastuurka.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey guddigan safarkooda isla markaana bulshoweynta reer SSC-Khaatumo ku bogaadiyey in ay fursaddan ka faai’ideeyaan si xor ahna ay aragtidooda ugu dhiibtaan.

About The Author