Golaha Wasiirada oo ansixiyay magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Odowaa
10 Nov 2024 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka oo shir aan caadi ahayn yeeshay ayaa ansixiyay magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf oo markii labaad xilkan qabanaya.
Gen Odowaa ayaa xilkaan hayay muddo afar sano ah intii u dhaxeysay 2019-2023, waxaana uu ka mid ahaa Taliyeyaasha ugu waqtiga dheeraa ee soo maray xilkaan.