Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Jubaland oo qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee Baarlamaanka la horgeeyay…..
11 Nov 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Jubaland ayaa qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee Baarlamaanka la horgeeyay iyo tallaabadii Guddiga Kumeel gaar loogu saaray oo ah mid baalmarsan Dastuurka.
Xildhibaannadaan oo tiradoodu tahay 35 Xildhibaan ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada ay Jubaland galeyso, taasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka Dowladda Federaalka iyo kan Jubaland.