War-Saxaafadeedka Shirka Aaya-katashiga Beesha Sacad

15 Nov 2024 (Puntlandes.com) Waxaa magaaladda Nairobi kusoo xirmay shir-wadatashi ah oo muhiim ah, kaas oo ay ka qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan. Shirka waxaa ka soo muuqday xildhibaanada labada aqal ee beesha, waxgarad, ganacsato, aqoon-yahan, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, waxaana looga arrinsaday arrimo masiiri ah iyo danaha guud ee Beesha Sacad.

Intii uu socday shirka, waxaa lagu lafa-guray arrimaha bulshada, siyaasadda, horumarinta, iyo doorka beesha uga aaddan go’aanadda la xiriira kheyraadka dabiiciga ee ku yaalla gobollada beeshu degto. Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo bandhigay tallooyin iyo aragtiyo qiimo leh oo ku aaddan mustaqbalka beesha.

Xubnaha shirka ayaa hoosta ka xariiqay in loo diyaargaroobo booqasho iyo wadatashiyo ballaaran oo ku qabsooma magaalooyinka, sida Muqdisho, iyo deegaanada beeshu degto si loo mideeyo aragtida, kadibna go’aanno lagu qaato shirweynaha guud ee magaalada Gaalkacyo.

Shirka Watashiga Ehel oo garab iyo taageero ka heysta bulsha weynta Sacad ayaa lagu bogaadiyay xubnihii soo abaabulay iyo cilmi-baaristii lagu soo bandhigay ee ka turjumeysay tabashooyinka beesha iyo marxaladda ay ku sugan yihiin goboladda beesha Sacad.

“Waxaan bogaadinayaa abaabulka iyo soo dhaweyntii Jaaliyadda Sacad ee Nairobi iyo xog-heynta Shirka Ehel oo suuragaliyay in shirk uu ku dhammaado is-afgarad iyo muwaafaqo” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Sacad ee Kenya, Mudane Nuur Oriye.

Shirka wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xubnaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay si hufan uga qeyb qaataan diyaargarowga shirweynaha Gaalkacyo, si natiijada kasoo baxda ay uga horseedo midnimo, horumar iyo guul waarta.

About The Author