Xildhibaannada labada Aqal ee BFS oo ansixiyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha
16 Nov 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaannada labada Aqal ee BFS ayaa goordhoweyd ansixiyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. Waxaana ansixiyay 173 Xildhibaan.
Sida uu sheegay gudoonka Baarlamaanku waxaa kulanka goobjoog ahaa 173 oo ay goobjoog ahaayeen dhamaan wasiiradda oo Xildhibaano ah, iyadoo shaaciyey in aanan 1 xildhibaan diidin ama ka aamusin dhamaantood ay gacanta u taageen.
Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa waajibaadkiisu yahay xil gudashada iyo madax bannaanida guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana mas’uuliyadiisu tahay hirgelinta doorashooyinka heerarka kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qabashada Aftida Dadweynaha iyo asteynta sohdimaha dalka, iyagoo raacaya Siyaasadaha iyo xeerarka dalka.