Itoobiya oo sheegtay inaysan Ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya
16 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inaysan Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya kala bixi doonin, iyadoo ay dawladda Federaalka Soomaaliya caddaysay inaysan qayb ka noqon doonin hawgalka cusub ee bilaabanaya 1da Janaayo 2025.
Afhayenka Wasaarada Arimaha dibada Ethiopia ayaa sheegay inaysan dawladoodu kala baxaynin Soomaaliya Ciidamada ka jooga oo qaarkood qaybta ka yihiin ATMIS, iyagoo ku sababeeyey inay Amniga Qarankooda walaac ka Qabaan.
Afhayenka ayaa wuxuu sheegay in hawgala lagu sugayo amniga ee Soomaaliya uu sii socon doono ilaa kooxaha Ashabaab la gaarsiiyo heer ayna khatar ku noqon karin Amniga Itoobiya.
Soomaaliya ayaa iyaduna caddaysay inay dhamaadka sanadkaan baxayaan Ciidamada Itoobiya ayna sii joogi doonin Soomaaliya.