Muuqaal: Sheekh Shariif ” Madaxweynaha kuma haysano waqtigiisa ee waxan kuhaysana Boob hanti & sharci kutumasho”

16 Nov 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey madaxeweyne Xasan Sheekh boob hanti dadweyne iyo ku tumasho sharci.

Sheekh Shariif ayaa yiri “Doorasho iska daaye Dowlad wax lagala wareego meesha ma loogu imaanaa ayey maree ee Soomaaliyeey qaran-nimadii way duntaye talo hala aado”

Sheekh Shariif ayaa yiri ”Arrimaha Doorashooyinka waa arrimo Qaran, qof iyo koox midna malaha waana innuu dadku heshiis ku yahay. Doorasho qof iyo cod ah waa wax wanaagsan laakin soo ma aha in la isweydiiyo, sidee lagu gaari karaa?”

About The Author