Muuqaal: Wasiir Fiqi “nin Safiir ah kama yeelayno inuu qayb ka mid ah Soomaaliya dal ku tilmaamo, kama yeelayno inuu qariyo dalka uu Safiirka ka yahay…”
16 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku dhawaaqday in ay tallaabooyin adag ka qaadayso safiirro ay sheegtey in ay goobjoogayaal ka noqdeen Doorashada Somaliland, isla markaasna ay qariyey magaca Soomaaliya, sida uu sheegeye.
Wasiirka ayaa si gaar ah u soo qaatay unu eedeeyey Safiirka dalka Denmark in uu ‘dal’ ugu yeerey Somaliland.
Wasiir Fiqi “nin Safiir ah kama yeelayno inuu qayb ka mid ah Soomaaliya dal ku tilmaamo, kama yeelayno inuu qariyo dalka uu Safiirka ka yahay, waxaan ka digaynaa warka laga soo saari doono doorashadaas inuu noqdo inay tahay qayb dalka Soomaaliya ka mid ah mana yeelayno wax kale”
”Waxaan rajaynaynaa inuu wadahadalii sii socdaan haddii madax cusubi timaado, af-duub ma yeelayno”