Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Bosaso kusoo dhaweeyay safiirka Indonesia Soomaaliya & madaxa hayada Gargaarka ee Indosia (CEO of Indonesian Aid)

17 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ay ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay safiirka Indonesia Soomaaliya Ambassador H.E. Dr. Mohamad Hery Saripudine., Iyo madaxa hayada Gargaarka ee Indosia (CEO of Indonesian Aid) oo uyimid inay daahfuran mashruuca dhismaha Qayba Gargaarka Xaalada adag (ICU) ee isbitaalka Manhal kaas ay maalglisay Dawlada aan walaalaha nahay ee indonisia dhismihiisa qalabayntisa iyo Tababarka Shaqaalaha sidoo kale waxaa mashruuca wehliya qalabaynta iyo Tababarka Shaqaalaha ka shaqynta qaybta la tacaalida Xaaladaha liita (ICU).

Wasiirka caafimaadka Dawladda Puntland Siciid Jamac Qorsheel ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso ku soo dhaweeyay safiirka Indonesia Soomaaliya Ambassador H.E. Dr. Mohamad Hery Saripudine., Iyo madaxa hayada Gargaarka ee Indosia (CEO of Indonesian Aid).

Wafdiga Safiirka ayaa uyimid inay daahfuran mashruuca dhismaha Qayba Gargaarka Xaalada adag (ICU) ee isbitaalka Manhal kaas ay maalglisay Dawlada aan walaalaha nahay ee indonisia dhismihiisa qalabayntisa iyo Tababarka Shaqaalaha sidoo kale waxaa mashruuca wehliya qalabaynta iyo Tababarka Shaqaalaha ka shaqynta qaybta la tacaalida Xaaladaha liita (ICU).

Wasiirka ayaa uga mahad-celiyey Dawladda indonisia maalgalinta dhismaha qaybta gargaar xaaladaha Liita (ICU) kaas oo dabalooli doona baahida loo qabo la tacaalida xaalada liita, sidoo kale safiir ayaa sidoo ku kale uga mahadceliyeey soo dhawaynta diiran ee ay u sameyey dawladda Puntland iyo shacabka isaga uu sheegay in ay wadi doona taageerada maashaariicada.

Wasiirka ayaa waxaa ku wehelinayey soo dhawaynta lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig, agaasimaha qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Abdirisaaq Abshir Xirsi iyo agaasimaha maamulka iyo maaliyada Mohamed Huseen Mohamed.

About The Author