Is rasaaseyn ka dhacday Kismayo
23 Nov 2024 (Puntlandes.com) Is rasaaseyn dhexmartay ciidamada Booliskamagaalada Kismayo iyo ilaalada Senator Ilyaas Gaboose ka dhacday magaalada Kismayo, iyadoo sababtay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.
Iska horimaadka ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka AGAN ee Kismayo, iyadoo ay isku dayeen dhinaca Gaboose in ay galaan hotelka, laakiin ay ilaalada hotelkuna diideen.
Senator Ilyaas ayaa sheegay dhawaan in uu musharax u yahay madaxtinimada JL, uuna haysto taageerada Villa Somalia.