Xubnaha mucaaradka qaarkood ee DFS taageerayso oo Kismayo kasheegay inay madaxweyne u doorteen Senator Ilyaas Bedel Gaboose
23 Nov 2024 (Puntlandes.com) Xubnaha mucaaradka qaarkood ee taageerada kahaysta DFS kuna sugan magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in ay madaxweyne u doorteen Senator Ilyaas Bedel Gaboose oo katirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Xubnahan ayaa xalay gudahooda isku khilaafay doorasho ay qabtaan oo madaxweyne-nimada, xubnaha ugu foolaadsan ayaa diiday in ay cid gaar ah u Tanaasulaan, warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay DFS qorsheynayso in ay aqoonsato Ilyaas Bedel, iyadoo aysan madasha tagin inta badan xubnihii mucaaradka ee maalmo kahor ka hadlay magaalada Kismaayo.
Jubbaland ayaa maalmo kahor ku eedeysay dawladda Faderaalka in ay doonayso in ay dagaal ka rido magaalada Kismaayo, waxaana saaka dhacay iska horimaad kooban oo dhimasho iyo dhaawacba sababay.