Muuqaal: Wasiir Fartaag oo shaqaaqadii Kismayo ku sheegay mid lagu doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye

23 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii saaka ka dhacay Hotelka AGAN ee magaalada Kismayo ee ay isaga horyimaadeen ciidanka Boolis Jubaland iyo ilaalo uu watay Senator Ilyaas Bedel Gaboose oo katirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayana taageerayso dawladda Federaalku.

Senator Ilyaas Bedel Gaboose ayaa Kismayo ka sheegay in qayb ka mid musharixiintii ay dawladda Federaalku taageeraysay ay u doorteem madaxweynaha Jubaland.

Wasiirka Amniga DFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa falkaasi ku tilmaamay mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah. Wasiirka ayaa goor dhow shir jaraa’iid qabtay.

About The Author