Muuqaal-Sawirro: Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo warbixin siisay Baarlamaanka Puntland

23 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ay wehlinayeen Wasiiru-dawlaha wasaaradda Mudane Ahmed Shiikh Farax, Agaasimaha Guud, lataliyaha madaxweynaha, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo saraakiil ka socda Wasaaradda ayaa warbixin u jeediyey Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxda Wasaaradda ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay qorshahay horumarineed ee Caafimaadka, caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray taabbo gelinta iyo kor uqaadida xarumaha caafimaadka, iyo daadejinta adeegyada caafimaadka heer gobol iyo heer degmo ilaa heer deegaan.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaysa in dhammaan Gobollada ay si rasmi ah ugu yaalaan in ka badan 422 Xarumood oo caafimaad.

Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxda wasaaradda oo ay ka mid yihiin: heerka fulinta qorshayaashii caafimaadka ee lagu ballanqaaday, sababaha keena dib-u-dhac ku yimaada gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka fog, tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka Puntland.

Wasiir Siciid Jamac Qorsheel ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay in bisha december dhamaadkeeda la dhagax dhigi doono isbitaal caalami ah oo si quruxbadan loo dhisi doono loona qalabeeyay, dabooli doonana adeega caafimaad ee dalka dibadiisa loo aado dhakhaatiir ajnabi ah ay ka hawlagali doonaan, sidoo kale la dhisi doono isbitaal ciidamadu leeyihiin, xarumaha caafimaadka ee jirana kor loo qaadi doono tayadooda iyo adeega ay bixiyaan. Waxa uu xildhibaanada ka codsaday inay kaalintooda ka qataan sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyada caafimaadka ee Puntland.

Kulankan oo ka tirsanaa Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehlinayo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

About The Author