Shirkadda Golis oo joojisay adeegga khamaar 1XBET, kuwa la midka ah &…

24 Nov 2024 (Puntlandes.com) Shirkadda Golis ayaa joojisay adeegga khamaar 1XBET, kuwa la midka ah iyo furista adeegga lambarada gaarka ah, kadib wareego madaxweyne oo dawladda Puntland ku mamnuucday, halkaan ka akhriso.

Golis ayaa qoraal wargelin ah ku tiri “Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan macaamiisheena in adeegyada shirkadaha sharadka iyo khamaarka sida 1xBet iyo kuwa la midka ah ay mamnuucday dowladda Puntland. Sidaas darteed aan lagu dhex isticmaali doonin adeegyada shirkadda Golis laga bilaabo 25 Nov 2024.”

“Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan macaamiisheena in furista adeegga lambarada gaarka ah (Private Numbers) ay si rasmi ah u mamnuucday dowladda Puntland. Sidaa darteed shirkadda Golis waxa ay joojisay furista kaararka lambarada qarsoon (Private Numbers). Sidoo kale dhammaan kaararkii shirkadda Golis ee horay u ahaa lambarada qarsoon (Private Numbers) waxay noqon doonaan kuwo la arko laga bilaabo 27 Nov 2024.”

About The Author