ATMIS oo kahadashay diyaarad siday wafdi DFS oo shalay laga celiyey Garbahaarey
24 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wafdi ka socda DFS oo ay kujireen mudanayaal Baarlamaanka FS ka tirsan iyo gudoomiyaha gobolka Gedo ayay DFS isku deyday in ay magaalada Garbahaarey ku geyso diyaarad Milateri, iyadoo ay diideen maamulka deegaanka iyo ciidanka Itoobiya oo sheegay in aysan badqabka masuuliyiinta damaanad-qaadi karin.
Dawladda ayaa ciidanka ATMIS ku eedeysay in ay diyaarada cesheen, gaar ahaana ciidanka Itoobiya, balse sida qoraalkan kucad Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa sheegay in masuuliyadoodii ay guteen khaladkuna kayimi dhinaca amniga iyo badqabka masuuliyiinta oo ladamaanadqaadi waayay.