Jubaland oo War-Saxaafadeed ka soo saartay Ciidamada DFS ku soo daabulaysay Raaskambooni ee Jubaland
25 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland ayaa War-Saxaafadeed ka soo saartay Ciidamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo daabulaysay Raaskambooni ee Jubaland.
Jubaland ayaa warsaxaafadeedka ku caddaysay inaysan jirin ciidan ATMIS ah oo ka baxay Raaskanbooni oo ay bedelayaan Ciidanka DFS.
Jubaland ayaa waxay sheegtay in ay ciidankaas hadda is horfadhiyaan ciidanka Jubaland, masuuliyada ka dhalatana ay qaadayaan madaxda DF Soomaaliya.
Sidoo kale Jubalandayaa waxay sheegtay in DFS ku fashilantay isku dayo ay doonaysay in ay Gedo ciidamo kaga dajiso.